Xilka Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo si KMG ah loogu wareegiyey Jen Mukhtaar.

Taliyaha KMG Booliska.jpg2Xilka taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta si KMG ah loogu wareegiyey Jen Mukhtaar, kaddib markii dhawaan xubnaha gollaha wasiirada xilkii ka qaadeen taliyihii ciidamada Jen C/xakiin Daahir Saciid.

Taliyaha KMG Booliska.jpg1Jen. Saacid ayaa sheegay in Jen. Mukhtaar uu yahay nin howlkar ah, islamarkaana muddo ka soo shaqeynayay howlaha ciidamada.

Sidoo kale Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu halkeeda ka sii wadayo shaqadii Booliska, waxaana uu faray Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada inay shaqadooda sii wataan.

Waxaa lagu wadaa in dhawaan Taliye cusub la soo magacaabo, waxaana xilka Taliyaha Booliska ugu jira loolan Saraakiil ciidan oo horay xilal u soo qabtay.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: