Qarax ay ku dhaawacmeen 11 qof oo galabnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

QaraxWaxaa galabnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan  inta u dhexeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka digfeer qarax lagu soo xiray gaari, waxaana la soo sheegay in ay halkaas ku dhaawacmeen11 qofood, balse lama soo sheegin wax dhimasho ah .Qaraxa oo intiisa badan laga maqlay goobo ka fog halkii uu qaraxaas dhacay, ayaa waxaa loogu xiray gaar uu lahaa mid kamid ah Shaqaalaha dowlada oo magaciisa lagu soo koobay Ceydiid.

Gaarigan ayaa qarxay xili uu Ceydiid ku jiray goob ganacsi oo aan sidaa uga sii fogeyn goobta uu gaariga ku qarxay.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: