Advertisements

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo la horgeeynayo sharciga la dagaalanka Argagixisada.

Baarlamaanka 10aad.jpg1Guddiga difaaca baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in xildhibaanada golaha shacabka ay si deg deg ah ku horgeyn doonaan sharciga la dagaalanka argagixisada.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ah Xoghayaha guddiga difaaca baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xildhibaanada ay u horgeyn lahaayeen sharciga la dagaalanka argagixisada, si awood dheeraad ah ay u helaan laamaha amniga.

Wuxuu sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay u baahan yihiin amni, wuxuuna tilmaamay mar walba in aan loo baahneyn Tacsi iyo Baroordiiq, balse muhiim ay tahay in lala yimaado qorshe midkaas ka duwan.

Sidoo kale Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay xukuumadda gaar ahaan ra’iisul w asaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre in ay ka codsadeen hadii loo baahdo lacag deg deg ah oo lagu dardar gelinayo amniga.

Maalin ka hor Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay guddiyada difaaca iyo Amniga, kadib markii Baarlamaanka ay u gudbiyeen Mooshin la xiriira xaalada amni ee dalka, maadaama ay kordheen Qaraxyada ururka Al-shabaab ay ka geystaan Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: