Advertisements

Dowladda Imaaraadka oo maanta ku wareejisay dowladda Soomaaliya ciidamo ay tababareen….

Ciidan la TababarayDowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejiysay dowladda Soomaaliya 311 askari oo ay tababar saddex bilood ah ugu soo gabagabeeyeen magaaalada Muqdisho.

Ciidan la Tababaray.jpg1Munaasabada wareejinta ciidamada ayaa ka dhacday Xerada Jeneraal Gordan iyadoo lagu wareejiyay dalka ciidamada xoogga Ciidamadan gaaraya 311 askari oo qalabkooda u dhameystiran yahay.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. C/wali Jaamac Gorod, Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cusmaan Xamaadi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahad celiyay Imaaraadka Carabta, sida ay u taageerto Ciidamada xoogga dalka, waxaana uu xusay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka la doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay ku sugan yihiin.

Ciidamadan gaaraya 311 askari ayaa loo dhameystiray hub iyo gaadiid dagaal, waana markii u horeysay ee Imaaraadka Carabta ciidamo ay tababaraan ku wareejiyaan Taliska Ciidanka xoogga dalka, halka markii hore ciidamada ay tababareen ay amnigooda sugayeen xeradooda iyo safaaradooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday howl gal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ay sheegtay in ciidamada kala duwan ee qalabka sida ka qeyb qaadanayaan howl galada

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: