Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho shir ay ka qeybgalayeen dhamaan wasiirada warfaafinta dowlad gobolleedyada dalka ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowladda federaalka.
Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cismaan Yariisoow, guddoomiyaha guddiga warfaafinta baarlamanka, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, iyo dhamaan wasiirada dowlad gobolleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.
Shirka oo socon doona muddo Labo cisho ah ayaa looga wada hadlayaan iskaashiga warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo tan dowladda, mideynta xiriirka wada shaqeynta u dhaxeysa labada dhinac . xeerka saxaafada hor yeela baarlamaanka iyo ka shaqeynta nabada ee guud ahaan hay’adda warbaahinta.
Kulanka ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee dhinacyada ay arintan quseysa ay ku yeeshaan magalada Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.