Waxaa maanta si rasmi ah u furay Shirkii Gudoomiyeyaasha Baarlamannada dalalka Carbeed, kaas oo daafuray Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir, waxaa ka qeybgalay oo uu ka mid yahay gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari, iyo mudneyaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ee xubnaha ka ah Baarlamanka carabta.
Sida uu sheegay Madaxweynaha dalka Suudaan, Shirkan oo ajandeyaasha looga hadli doono ay kamid yihiin xaaladaha dalalka Yemen iyo Falastiin iyo sidoo kale cunaqabateyntii dhanka dhaqaalaha ee dhawaan laga qaaday dalka Sudan, arimo kku saabsan dhaqaalaha iyo siyaasadda dalalka Carabta.
Xildhibaan Max’ed Xaaji Geelle oo kamid ah afarta xubnood ee xildhibaannada golaha shacabka dowladda Soomaaliya u matala baarlamana carabta ayaa sheegay in shirkani muhiimad gaar ah uu u leeyahay Soomaaliya.
Shirka ayaa inta uu socdo waxa ay madaxdu ka doodi doonaan ajendayaasha shirka, ayadoo sidoo kale ay jiri doonaan kulamo gooni gooni ah oo ay yeelan doono gudoomiyeyaasha baarlamannada dalalka Carbeed ee uu shirka uga socdo dalkaasi Suudaan.
SomaliSwiss   Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.