Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya oo sheegay in uu dib u dhacay shirkii Dowladda Federaalka iyo Maamulada Dalka.

Wasiir JuxaWasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Juxa ayaa xaqiijiyay in uu dib u dhacay shirkii maanta lagu madalsanaa in uu ka dhaco magaalada Muqdisho kaas oo u dhaxeeyay dowaladda Soomaaliya iyo maamullada hoos imaada.

Wasiirka oo ku hadlayay afka dowladda dhexe ayaa sheegay in mas’uuliyiinta oo dib u dhacay awgeed uu shirka u baaqday maalinta berito ahna lagu wado in uu furmo.

“Shirka waxaa uu furmi doonaa maalinta berri, waxaa rajeyneynaa in kulanka uu noqdo mid wax ku ool ah oo la isku meel dhigo howlaha waa weyn ee Qaranka u yaallo”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Si kastaba ha ahaatee Madaxwayne Farmaajo ayaa horaantii todobaadkii hore u diray warqado casuuummmaad ah dhammaan madaxda maamul goboleeyada, waxaana uu ugu baaqay madal furan oo dib u heshiisiin ah.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: