Advertisements

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta dib ku soo laabtay Dalka.

Kheyre.jpg9Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo wefdi uu hogaaminayey oo maalmahaan ku sugnaa dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Mudane Kheyre waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa dalka Turkiga kulamo xaaladda dalka la xirira lasoo qaatay madaxda dowladda Turkiga, iyada oo waxyaabihii ay ka wada hadleen isku soo fahmay.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sidoo kale Turkiga intii uu joogay soo booqday dhaawacyada musiibadii 14-ka October ee kujira Isbitaalada dalka Turkiga.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: