Advertisements

Qarax xooggan oo qorax-dhacii maanta ka dhacay Hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho.

Qarax NaasahabloodQaraxyo is xig xigay ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana qaraxa hore uu ka dhacay Hotelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho. 

Qarax Labaad ayaa ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo la dhigay Agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay ka war hayeen Qaraxaasi, islamarkaana ay dadka shacabka kaga digeen in ay halkaasi ka Agdhawaadaan.

Warar kala duwan ayaa wali ka soo baxaya weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah isugu jiray oo ka dhacay Hotelka Naasa Hablood oo ugu yaraan 10 ruux lagu waramayo in ay ku dhinteen.

Qarax Naasahablood.jpg1Dadka geeriyooday ayaa la sheegay in ay ku jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda federaalka.

Hotelka la weeraray ee Naasahablood 2 ayaa ku dhaw xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir ee loo yaqaanay Godka Jilacow, sidoo kale waxaa uu kaabiga ku hayaa xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo uu yaalo Koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: