Advertisements

Wasiirka Amniga Somalia oo Caasamadda dalka Turkiga ee Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga.

Wasiir IslawWasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha gudaha Dowladda Turkiga Suleyman Soylu.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha Turkiga oo ku taalo magaalada Ankara ayaa Labada Wasiir waxay kaga wada hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-qaacidada Soomaaliya ee Al-shabaab.

Ilo amaan oo soo xiganeysa Wakaalada wararka Turkiga Anadolu ayaa sheegaya in sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga ay kulankooda diirada ku saareen iskaashi laga sameeyo amaanka iyo Heshiis laga gaaray in lagu dhaqaaqo dagaal ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab oo ka dagaalanta Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale,Labada Wasiir ayaa kulankooda ku soo hadal qaaday sidii tababar loo siin lahaa Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo in meel looga soo wada jeesto Ururka Fathula Gulan oo lagu eedeeyay iney ka danbeeyeen Afganibii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan dalka Turkiga halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay kala hadlayaan sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Al-qaacidada Soomaaliya ee Al-shabaab.

SomaliSwiss     Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: