Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay Madaxweynaha dalkaasi Rajib dayid Erdogan.
Mudane Erdogan iyo Raiisul Wasaare Khayre ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dalka iyo xoojinta doorka dowladda Turkigu ka qaadanayso la dagaalanka Al-shabaab oo dowlada Somalia qorsheyneyso iney duulaan ku qaado dhowaan.
Sidoo kale Khayre ayaa shalay la kulmay dhigiisa dalka Turkiga, isagoo kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta amaanka, la dagaalanka argagixsada, iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta wada shaqaynta labada dawladood.
Si kasta ha ahaatee Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horeysay ee ka jawaabta gargaarka loo fidiyay dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxii 14kii bishan ka dhacay Muqdisho, waxaana maalintii xigtay Qaraxa Muqdisho oo gaaray wasiirka caafimaadka Turkiga.
SomaliSwiss  Ankara
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.