Ra’iisal wasaare Kheyre oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

20171026636446160997002111yildirimRa’iisul wasaaraha  Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Binali Yildrim.

Kulanka labada mas’uul ayaa ka dhacay Qasriga ra’iisul wasaaraha Turkiga ee magaalada Ankara, waxaana halkaas hab maamuus soo dhoweyn heerkeedu sareysay loogu sameeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Sidoo kale Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, amniga, dhaqaalaha, caafimaadka iyo la dagaalanka Argagixisda.

Mudane Kheyre ayaa sheegay in Turkiga mar walba taageero shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isla markaana aanay marnaba ilaabi doono abaalka walaalaha Turkiga.

 Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha wuxuu uga mahad celiyay dalka Turkiga gurmadkii ay u soo direen Soomaaliya, kaddib qaraxii Zoobe, waxaana uu xusay in Turkiga uu yahay saaxib iyo walaal mar walba garab taagan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Ra’iisal wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulan  la qaato madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, sidoo kale waxaa uu booqan doonaa dhaawacyada laga keenay Muqdisho ee ku wax yeeloobay qaraxii 14-kii bishan.

SomaliSwiss       Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: