Advertisements

Madaxweyne farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay.

Formaajo oo ku soo laabtay dalka.jpg1Madaxweynaha Federaalka dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar qaatay saddex cisho oo uu ku tagay dalalka deriska ee Cidiamada ka jooga Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu warbaahinta kula hadlayay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isagoo u sheegay in in dalalkii uu booqday uu kala hadlay sidii ciidamada xoogga dalka ay gacan ugu siin lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa  sheegay in dhamaan Madaxda dalalkii uu booqday ay isku afgarteen in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab, islamarkaana loo midoobo dagaalka lagu qaadayo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in qaraxii dhowaan ka dhacay isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen ku dhawaad 400 oo ruux ay muujineyso sida Al-Shabaab ula dagaalamayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in aan Al-Shabaab loogu dulqaadan doonin gurmaadka ay shacabka ku heyso, isla markaana ay dowladda ka go’an tahay in Al-Shabaab laga xoreeyo guud ahaan dalka.

Sida la wada ogsoon yahay Mudane Farmaajo wuxuu Axadii la soo dhaafay ayaa  booqasho qaadatay saddex cisho uu ku tagay dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti, halkaasoo uu kula soo kulmay madaxda dalalkaas.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: