Kadib masiibadii xooganayd ee uu geystay qaraxii waxshinimada ahaa ee ay kooxaha argagixisadu kuqaadeen Magaalada Mogadishu Waxaa isasootarayey dhaleecaynta iyo tacsida ay dirayaan hogaamiyayaal badan oo caalamka ah.
Waxaa sidoo kale labadalay midabada qaybo kamid ah goobaha ay caanka kuyihiin magaalooyinka Istambul, Toronto, Paris iyo Kuala Lumpur si ay u muujiyaan tiiraanyada iyo murugada ay ka xun yihiin dhibaatadii uu gaystay qaraxaasi.
Waxay ahayd maanta oo bishu tahay 17/10/2017 markii manaaradda dheer ee ay Kuala Lumpur caanka ku tahay labadalay midabka kalarka muddo 40 daqiiqo ah iyadoo midabka minaaradda dheer ee Kuala Lumpur laga dhigay midabka buluuga iyo caddaanka calanka Somalia ka koobanyahay si loo muujiyo murugada iyo dareenka Malaysia laqaybsanayso walaalohooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku dhacday.
Sidoo kale Raisal wasaaraha Malaysia ayaa cambaareeyey qarixii kadhacday Mogadishu isagoo muujiyey sida uu uuga xunyahay yahay waxa dhacay isagoo sheegay inuu u tacsiyaynayo dadkii halkaasi ku wax yeeloobey. Arrintani ayaa waxay kadambaysey kadib markii maalinimadii shalay uu safiirka Somalia ufadhiya Malaysia kulan aan caadi ahayn isku arkeen xilli dawladda Malaysia ay soo dhowaynasey amiirka dalka Qatar oo socdaal shaqo kuyimid Malaysia kulankaas oo Safiirka Somalia Malaysia u fadhiya mudane Abukar Abdi Osman uu goob koog ka ahaa.
Safiir ka ayaa sidoo kale fariin u gudbiyey Raisal wasaaraha Malaysia, Amiirka Qatar iyo xubno katirsan Golaha wasiirada Malaysia oo munaasabadda joogay. Safiirku wuxuu sidoo kale waraaqo qoraal ah u kala diray dhowr wasaaradood oo Malaysian ah taasoo uu kaga dalbaday in Malaysia ka qayb qaadato gurmadka loofidinayo dadkii kuwax yeeloobay dhibaatadii ka dhacday Mogadishu.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.