Wafdigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo oo galabta u ambabaxay dalka Qadar.

Madaxweyne Formaayo oo dhoofayWafdigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta u ambabaxay dalka Qadar, kadib markii casuumaad rasmi ah uu ka heley Boqorka dalkaas Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la xiriiro xoojinta xiriirka labada dal iyo in dowlada Qadar ay garab istaagto dowlada Somalia oo iminka kasoo kabaneyso burburka iyo xasil darida amni.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la sheegay in dalka Qadar uu ku nagaan doono muddo laba cisho ah, waxa uuna mudada uu dalkaasi joogo kulamo la qaadan doonaa Madaxda dalkaasi, Jaaliyadda iyo Ganacsatada dalka Qadar oo uu ku dhiiragalin doono inay maalgishtaan Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishan gudaheed galay safaro dhowr ah, sida Itoobiya, UK, Sacuudiga, Jabuuti iyo Qadar oo uu hada booqanayo, waxaana uu dalalka qaar kaga qeyb galay shirar muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Somalia ayaa horay u difaacay Safarada dhowrka ah ee uu ku gaaray dalal dhowr ah.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: