Ra’iisal-wasaare Kheyre oo xalay suxufiyiinta Soomaaliyeed casho sharaf ugu sameeyey xarunta Madaxtooyada.

Kheyre iyo Suxufiyiinta.jpg3Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Xalay suxufiyiinta Soomaaliyeed casho sharaf ugu sameeyey xarunta Madaxtooyada, kuna dhiiri geliyey inay dadaalkooda sii labo jibaaraan oo ay bulshada gaarsiiyaan horumarka iyo wadan jaceylka.

Kheyre iyo SuxufiyiintaRa’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay madaxda suxufiyiinta Soomaaliyeed isla markaasna soo dhoweeyey talooyinka muhiimka ah oo ay u soo jeediyeen.

Kheyre iyo Suxufiyiinta.jpg2Sidoo kale, waxaa cashada ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan (Yarisow), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Mudane Thabit Cabdi Maxamed, Madaxda Ururka Saxafiyiinta Qaranka ee (NUSOJ) iyo qaar kamid ah Agaasimeyaasha Warbaahinta madaxa bannaan.

Kheyre iyo Suxufiyiinta.jpg1SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: