Qarax xoogan ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay maqaaxi ku taala ka soo horjeedka Dekeda Magaalada Muqdisho
General Axmed Xasan Maalin, oo ah Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen qaraxaasii, halka toban kalana ay ku dhaawacantay.
General Axmed Xasan Maalin, waxa uu sidoo kale xusay in khasaaraha uu badan karo maadaama Qaraxa uu saameeyay Dukaamo iyo Maqaaxi kale oo ku yaalla halka uu Qaraxa ka dhacay.
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi, waxa ayna sheegtay in lagu beegsaday Qaraxa Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida.
Maleeshiyada ayaa qeexday in Qaraxa uu khasaaro ka soo gaaray Saraakiisha Nabad Sugida, inkastoo aysan jirin warar xaqiijinaya in Saraakiil ay wax ku noqdeen Qaraxaasi.
Dhinaca kale, Ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaano ku aadan qaraxaasi, sida uu Warbaahinta Dowladda u sheegay General Maalin.
SomaliSwiss      Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.