Dowladda Japan oo Gaadiidka iyo Mootooyinka ugu deeqay ciidanka Booliska Somalia.

Deeq JabbaanDowlada federaalka ah ee Somalia ayaa waxaa maanta lagu wareejiyay Gaadiid iyo Mootooyin casri ah oo loogu talo galay inay isticmaalan ciidamada Booliska.

Deeq Jabbaan.jpg2Gaadiidka lagu wareejiyay dowlada, gaar ahaan Taliska Booliska ayaa loogu talo galay in lagu daabulo ciidamada Booliska.

Gaadiidka iyo Mootooyinka ayaa waxaa ciidanka Booliska ugu deeqay dowladda Japan oo ka mid ah dowladaha taageera Somalia.

Gaadiidka iyo Mootooyinka ayaa waxaa lagu wareejiyay Taliyaha ciidamada Booliska oo gaaray Garoonka Aadan Cadde oo aheyd halka lagu dajiyay deeqda, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Somalia.

Deeq Jabbaan.jpg1Taliye Saacid wuxuu tilmaamay Booliska inuu yahay illaaliyaha nafta Bini’aadamka iyo sidoo kale dhawraha xuquuqda aadanaha, wuxuuna sheegay in ciidamada Booliska ay ku sii dadaali doonaan shaqada Qaranka ay u hayaan.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: