Advertisements

Qarax ay ku dhinteen 19 qof oo ka dhacay Magaalada Manchester ee dalka Ingriiska.

manchester terrorToban iyo Sagaal (19) qof ayaa ku dhimatay, 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar la rumeysan yahay in uu ahaa mid aragagixiso oo ka dhacy saaxada lagu qabto munaasabadaha heesaha oo ku taalla magaalada Manchester ee dalka Ingriiska. 

manchester terror.jpeg1Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay fannaanadda Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay Mareykanka.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga gala saaxadda.

Boosteejada tareenada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

Waxa sababay qaraxa lama garanayo, balse ra’iisal wasaaraha Britain, heresa May, ayaa sheegtay in falkani ula dhaqmayaan inuu yahay mid argagixisnimo.

Warar aan la xaqiijinin oo laga soo xigtay s mas’uuliyiin aan magacooda la asheegin oo Mareykan ah ayaa sheegaya in qof is qarxiyay uu weerarkaasi geystay.

manchester terror.jpeg2Mid ka mid ah dadkii halkaasi joogay ayaa sheegay in xooga qaraxa dartii uu ku dhacay meel dhawr mitir ujirta,markii uu soo kacay na uu indhaha saaray dad daadsan dhulka.

Waxaana goobta isku gedaamay ciidamada booliska iyo kooxaha gurmadka, iyadoo a xiray waddada marta halka uu qaraxa ka dhacay.

Nin ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sharaxay sida qaraxa uu u dhacay, iyadoo taagerayaashii ay ka baxayeen halkii lgu qabanyay bandhig faneedka.

Majid Khan, oo 22 jir ah kuna sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay oo sharaxay sida ay wax u dhaceen ayaa waxa uu yiri ” qarax weyn oo ka argagixiyay qof walba ayaa ka dhacay halkaasi, qof walbana waxaa uu isku dayay inuu baxsado”.

Majid waxaa kale oo uu yiri ”wuxuu ahaa hal qarax oo qof walba oo joogay dhinaca kale ee laga maqlay qaraxa waxaa uu usoo cararay halkii an joognay iyagoo isku dayaya inay ka baxaan goobta”.

Oliver Jones, 17 jir bandhig faneedkana kala qeyb galay walaashi ayaa yiri: ”dhawaqa qaraxa waxaa laga maqlay goobta oo dhan qof walbana wuxuu billaabay inuu baxsado”.

”Jahwareer ayaa jiray iyadoo dadka ay jihooyin kala duwan u cararayeen”, ayuu sii raaciyay Oliver

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: