Advertisements

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo maanta gaaray dalka Jabuuti.

Formaajo iyo Gelle.jpg1Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, isaga oo kulan la qaaday doona dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Formaajo iyo GelleBooqashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah mid rasmi ah ayaa noqoneysa tii u horeysay ee uu ku tago dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo dhoofay dalka Sacuudiga halkaasoo ay uga qeyb galeen shir madaxeedka madaxda dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadli doona.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa uu khubad la xiriirta xaalada Soomaaliya ka horjeediyo baarlamaanka Jabuuti ,sidoo kale waxaa uu ka qeybgali doonaa Xaflad uu Madaxweynaha Jabuuti uu ku daah furayo dekedda cusub.

Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howl galka AMISOM,

SomaliSwiss        Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: