Advertisements

Ra’iisul wasaare Kheyre oo kulamo isla xisaabtan oo fool ka fool ah la yeeshyay xubnaha golaha wasiirradda.

Kheyre.jpg20Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Mudane Xasan Cali kheyrre oo ka duulaya aragtidaasi ayaa kulamo isla xisaabtan oo fool ka fool ah waxa uu la yeeshya xubnaha golaha wasiirradda si looga dhabeeyo Barnamijka dowladda ee Nabad iyo nolal. 

Mr. Khayre ayaa soo gaban gabeeyey  wajiga koowaad ee qorshaha uu kula xisaabtamayo wasiirradiisa tasi oo soo billaabatay maalintii Sabtida ahayd, iyadoo wasiir kasta uu usoo gudbiyey qorshe howleedka wasaraddiisa ee 100 maalin.

Kheyre.jpg22Arrintan ayaa noqon doonta tan mid wasiir kasta lagula xisabtami doono isla markaana lagu qiimayn doono wax qabadkiisa marka ay dhamaato boqolka maalin, sida uu warbaahinta qaranka u sheegay wasiiru dowlaha xafiiiska Ra’iisul wasaaraha Mudane Cabdullahi Xamud.

Qorshaha ra’iisul wasaaraha ayaa ah mid ku cusub hannanka dowadanimada dalka, taas oo meesha ka saaraysa musuq-maasuq iyo maamul xumada.

Kheyre.jpg20SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: