Advertisements

Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in dowladda ay dadaal dheer ay u gali doonto sidii dhalinyarada Shaqo abuur loogu sameyn lahaa.

Shirka IsgaasiintaRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer ay u gali doonto sidii Shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbaratay.

Waxaa uuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed boqolkiiba 70% ay dhalinyaro yihiin taasina ay muujinayso in fursadaha dalka ka jiraa ay badan yihiin.

Madaxda Wasaaradaha ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii xirfaddo shaqo loogu sameyn lahaa dhalinyaradda ee waxbarashada dhamaysatay.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in muhiim tahay in laga shaqeeyo sidii dhalinyaradda Soomaaliyeed ay waxbarasho u heli lahaayeen.

Ugu dambeyntii Kheyre ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan xasilooni soo celinta dalka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: