Advertisements

Madaxweyne Farmaajo oo maanta gaaray magaaladda Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga.

Farmaajo iyo sacuudiga.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaaladda Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga.

Mudane Farmajo ayaa maanta ka qeyb-galaya shirka u dhexeeya wadamadda Islaamka iyo dowladda Maraykanka.

Sida ay sheegeen qaar ka mid Wafdigiisa in Madaxweynaha uu kulan la qaadan doono madaxda kasoo qeyb-gashay shirka.

Inta badan dowladdaha Islaamka ayaa ka qeyb-galaya shirka, waxaana la filayaa in diiradda lagu saaro shirka xiriirka Maraykanka iyo dowladdaha Islaamka, la dagaalanka kooxaha loogu yeero Argagixisada iyo iskashiga dowladdaha.

Shirka waxaa sanadkan ka qeyb-galaya Madaxweyne Donal Trump, kaas oo la filaya in khudbadiisa uu diirada ku saaro sidii loogu midoobi lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweynaha Maraykanka oo booqashadiisii ugu horreysay ku tegay dalka Sacuudiga tan iyo markii uu xilka qabtay ayaa lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo hogamiyeyaasha 40 dal oo Islaam ah, kuwaa oo ku sugan dalka Sacuudi Carabiya.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in booqashada uu ku tegay Sacuudiga ay ahayd mid ahmiyad weyn leh, madaama ay dalka Sacuudiga saxiixdeen heshiisyo ganacsi oo ku kaceyso balaayiin doolar.

Booqashada madaxwayne Trump ee Sacuudiga ayaa waxa sidoo kale lagu wadaa in ay horseedo heshiis dhanka hubka ah oo dhan in ka badan 100 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

SomaliSwiss      Riyadh

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: