Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo maanta kormeeray goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare.

Kheyre.jpg17Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 23-kun oo Arday ay maanta u fariisanayaan Imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ee ku yaala koofurta iyo bartamaha dalka.

Kheyre.jpg19Imtixaanka dugsiga Sare ayaa ka bilaanaya deegaanada maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Benaadi.

Illaa 77 goobood ayaa lagu qaadayaa Imtixaanka dugsiga sare ee shahaadiga, sida gobolka Banaadir iyo xarumaha maamul goboleedyada.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo maamulada kale ee dalka ayaa booqday goobaha lagu qaadayo Imtixaanka.

Ammaanka goobaha lagu qaadayo imtixaanka mideysan ee shahaadiga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamka booliiska Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu wehliyo wasiirka wasaarrada waxbarashada, hidaha iyo tacalinta sare C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa maanta kormeeray goobaha lagu qaadayo Imtixaanka ee Qaranka ee Shahaadiga dugsiyada sare.

Wasaaradda waxbarashadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqaysay ama hirgalisay qaadista imtixanka dugsiga sare ee sanadka dugsiyaadka 2016-2017, waxaana imtixaanka uu ka dhacaya 77 xarumood oo ku kala yaala gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo dugsiga 15 May ee degmada Wardhiigley oo ka mid ah meelaha imtixaanka lagu qaadayo booqday ayaa bogaadiyay ardayda ka qayb galaysa imtixaanka, isagoo ku dhiri galinayay in ay ka dhabeyaan hadafka ah in ay ku guuleystaan imtixaanka iyo guud ahaan waxbarashada.

Kheyre.jpg18Wasiirka waxbarashadda ee xukumadda Soomaaliya Dr, Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadda ay sharaf weyn u tahay qaadista imtixaankan.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya , oo la hadlay ardayga galisa imxitaanka ayaa xusay in ay ardaydani ay tusaale u yihiin in dalku leeyahay mustaqbal wanaagsan wax barashadduna ya horseed u tahay horumarka dalka.

“Maanta waa maalin ahmiyad weyn leh runtii in 23 kun oo ardey ah u fariistaan imtixaanka dugsiga sare, waa tilmaan muujineysa in dalkeenu uu leeyahay rajo wanaagsan,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, imtixaanka dugsiga sare ayaa maanta ka bilowday magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar Beledweyne, Cadaado, Gaalkacyo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobollada dalka oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.

Sanadkii 3 aad ee dowladda Soomaaliya ay qaadeyso Imtixaanka mideysan ee dugsiga sare, sanadkii 2015 ayay aheyd markii u horeysay ee dowladda qaado Imtixaan mideysan muddo 25-sanno kaddib.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: