Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa maanta gaaray caasimadda Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya.
Mr Trump, ayaa waxaa loo soo dhoweeyay si diiran, waana safarkisii ugu horreeyay ee uu dibadda ku tago tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.
Trump ayaa maanta la kulmi doono boqor Salmaan, waxaana uu Axada beri ah khudbad u jeedin doonaa hogaamiyayaal ka socda in ka badan 40 dal oo Muslim ah.
Shirweynahaasi waxaa xoogga lagu saari doonaa dagaalka ka dhanka ah ururrada xagjirka ah.
Warbaahina Carrabta ayaa maanta si wey u hadal haya safarka Trump. Dhinaca kale, khudbada uu jeedin doono ayaa waxaa uu kaga hadli doonaa, in uusan naceyb gaar ah u qabin Muslimiinta, sida aqalka Cad laga soo xigtay.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale la filayaa in kulamadaasi lagu kala saxiixdo heshiisyo gacansi oo ku kacaya balaayiin doolar.
Safarkiisa oo 8 cisho qaadan doona ayaa sidoo kale waxa uu ku mari doonaa Israa’iil, dhulka Falastiiniyiinta, Brussels, Vaticanka iyo Sicily.
SomaliSwiss    Riyadh
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.