Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Erdogan oo booqasho rasmi ah ku tegay dalka Mareykanka ayaa wuxuu xalay kula kulmay Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka Madaxweyne Donald Trump waxayna ka wadahadleen sida ay uga go’an tahay la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe.Â
Hase yeeshee Turkiga ayaa aad uga soo horjeedo xulafada uu Mareykanka la sameystay ciidammada Kurdiyiinta Suuriya ee la dagaallamaya Ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.
Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen ayaa Erdogan waxa uu tilmaamay in Turkigu uusan abid aqbali doonin wadashaqeynta lala yeesho maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG.
Turkiga ayaa u arka maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ee YPG in ay yihiin farac ka baxay Ururka Kurdiyiinta ee PKK, kaasI oo dagaal ka wada gudaha waddanka Turkiga.
Mareykanka ayaa dhawaan sheegay in uu hubeynayo maleeshiyaadka YPG oo uu sheegay in ay yihiin kuwa kaliya ee kooxda dowladda Islaamka ka qabsan kara magaalada Raqa.
Haseyeeshee Turkiga ayaa arrintaasi ka carooday, waxa uuna sheegay in marnaba aysan suurtagal ahayn in la hubeeyo koox argagixiso ah.
SomaliSWiss           Washinton
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.