Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Aqalka dowladda Hoose oo lagu xusayay 15-ka May, 74-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii ururka SYL ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE:
Xafladdass waxaa ka qeyb-galay golayaasha dowladda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ururada bulshada rayidka iyo dhallinyaro, waxaana xafladda ay ka dhacday xarunta Aqalka Hoose ee Xamar.
Madaxweynaha ayaa waxaa Khudbadiisa uu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, taariikhda SYL iyo dar-daaran uu u jeediyay dhallinyaradda Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in saddexdii bilood ee talada dalka hayay ay qabteen inay soo celiyaan karaamadii umadda Soomaaliyeed uu adduunka ku lahaa.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay bixiyaan mushaarka shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada.
“Saddexda bilood ee aan joogno waxaan qabannay, inaan bixinay mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha Rayidka ee dowladda, waxaan bilowney inaan soo celinay Karaamadii ummaddeenna oo dalalka adduunka dhan ay noo muujiyeen in ay diyaar u yihiin u istaagidda wax wada qabsi buuxa”ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdan ay tahay dowlad shacab, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan ololaha dalkaaga waxu qabso, isagoo soo jeediyay in bishii labo saac kaliya arrintan laga shaqeeyo, waxaana uu tilmaamay inuu isaga bilaabayo.
Farmaajo ayaa ka hadlay dhibaatada ay leedahay qabyaalada, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay siyaasiyiin doonaya inay qabyaalad dadka ugu owr-kacsadaan.
“Fadhiga ha laga kaco, dowladda diyaar ayeey u tahay in ay awood siiso dhallnyarada Soomaaliyeed, dowladda iyo shacabka ma doonayo in dhexdeena la gelo, si midnimadeena muuqata aan u xoojinn idinkana sii wada taageerada dowladdiina aad u heysaan, caasimadda Soomaaliya afarta sanno gudaheed waxaa naga go’an inaa ka soo saarno magaalada Africa uu quruxda badan uguna nadaafadda badan.
Sidoo kalena aan ka shaqeynno hirgelinta adeegyadiii bulshada, shacabka Soomaaliyeed xoogga haa saaraan sidii aan uga guuleysan lahayn kooxahaan nabadda diiddaan, dhawaanna dalka oo dhan ayaaan ka saareynaa” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Mudane Farmaayo, oo ka hadlay xaaladda magaalladda Muqdishu, ayaa waxa uu sheegay in Muqdishu ay ka dhigi doonaan magaalladda ugu nadiifsan uguna Quruxda badan afar sano gudahooda.
“Waajibaadka na saaran waxaa ay tahay in aan shacabka u keeno dowlad-wanaag, oo aan la tartano dowladdaha kale ee adduunka, magaalladda Muqdisho ee aad aragtaan ee bur-bursan afar sano gudahooda waxaan ka dhigeynaa magaalladda ugu nadiifsan uguna Qurxan”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Sidoo kele Farmaajo ayaa soo hadal qaaday cadaaladda waxaana uu yiri “Waxaa naga go’an in qof walba oo Soomaali ah uu helo cadaalad si Qabiilka uu uga fogaado, haddii annaga aan ka shaqeyno in qof walba uu helo xuquuqdiisa, Qabiil uma baahnidiin”.
Farmaajo dhinaca kale waxaa uu sheegay in aysan jirin Qabiil isku tagay oo yiri waxaan biyo iyo caafimaad siineynaa dad.
Madaxweynaha ayaa shacabka ka codsaday in ay ammaanka kala shaqeeyaan dowladda.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurta, waxaana uu tilmaamay magaca canshuurta la bedeli doono oo loo bixin doono Qaaraan Qaran, haddii Baarlamaanka ogololaado.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.