Madaxweynaha cusub ee Faransiiska, Emmanuel Macron oo maanta loo dhaariyay xilka Qarankiisa.

M. faransiiskaMr. Emmanuel Macron ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxweynaha cusub ee Faransiiska, todobaad ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday. 

M. faransiiska.JPG1Macron ayaa ballanqaaday in uu isbedel ballaaran ku samayn doono siyaasadda dalkaasi, uuna soo nooleyn doono dhaqaalaha.

Balse arrimahaasi ayaa ku xirnaan doona sida uu xisbigiisa cusub ee “The Republic on the Move” uu ugu guulaysto doorashada baarlamaanka ee dhacaysa bisha soo socota.

Boqolaal boolis ah ayaa sugayay ammaanka caasimadda Paris intii ay socotay xaflada caleema-saarka oo ka dhacday qasriga madaxtooyada ee Elysee Palace.

Faransiiska ayaa xaalad deg-deg ah ku jiray tan iyo weerarradii sanadkii 2015 ka dhacay caasimadda Paris, kuwaasoo ay ku dhinteen 137 qof.

Macron ayaa Isniinta beri ah booqan doona caasimadda Berlin ee dalka Jarmalka, si uu hogaamiyaha dalkaasi Angela Merkel ugu xaqiijiyo taageerada uu u hayo Midowga Yurub.

Sidoo kale waxaa la filayaa in uu dhawaan magacaabo ra’iisul wasaare.

Caqabadaha uu wajahayo madaxweynaha cusub ayaa waxaa ka mid ah shaqa la’aan haysata dhalinyarada Faransiiska iyo dhaqaalaha gaabiska ku socda.

SomaliSwiss      Paris

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: