Sanad kasta bisha May 15-keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aas-aaskii xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee  SYL, kaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka laga furo isagoo ay ku mideysanyihiin dhallinyaro.
Maanta oo kale 15-kii bishii May sanadkii 1943-dii waxaa u suurtagashay 13-kii ee dhalinyarada Soomaaliyeed inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC {Somali Youth Club} ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo markii dambe u xuubsiibtay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL {Somali Youth League}, sanadkii 1947-dii bishii May maanta oo kale ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatay, xiligaasi waxaa ururka dhisay 13-dhalinayaro ah, kuwaas oo kala ahaa:
-   Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Tayeeglow  Bakool 1919   24 Jir
- Maxamed Xirsi Nuur(Siidii), Mareeg  G/gadud 1915   28  JirÂ
- Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke Hobyo  Mudug 1917  26 Jir
- Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad Muqdisho Banadir 1917 26 Jir
- Cusmaan Geeddi Raage Muqdisho Banadir 1925 18 JirÂ
- Dheere Xaaji Dheere  Muqdisho Banadir 1926   17 JirÂ
- Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne)  Hobyo Mudug  1925 18 JirÂ
- Cali Xasan Maslax  mahubno meesha uu ku dhashay 1919 24 JirÂ
- Maxamed Cali Nuur Mugadisho  Banadir 1927   16 JirÂ
- Maxamed Faarax Hilowle Mareeg G/gaduud  1925  18 JirÂ
- X. Maxamed Cabdulaahi Xayeesi  Muqdaisho  Banadir  1918   25 JirÂ
- Huudow Macalin Cabdulaahi Saalax  Mareereey Sh/hoose  1926 17 Jir
- Maxamed Cusmaan Baarbe Baardheere  Gedo 1910   33 Jir
Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aas-aasayaasha xisbigaas waxay isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:-Â
1-Â Â Â Â Â Â In xukuumadda Engriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaa in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC.(Somali Youth Club) oo dhalinyarada ku kulanto.
2-Â Â Â Â Â Â In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.
3-Â Â Â Â Â Â In la dejiyo barnaamij kumeel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.
Xoriyaddii Ummada Soomaaliyeed ay hanatay sanadkii 1960-kii waxaa loo soo maray halgan aad u dheer oo dhiig badani ku daatay.
SYL, ayaa kaalin muuqata ka qaadatay in gumeystayaashii dalka laga ceyriyo, umadda Soomaaliyeedna ay helaan xuriyad buuxda.
SomaliSwiss     Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.