Advertisements

Shir looga hadlaya aragtiyadda ku aadan dib-u-eegista dastuurka dalka oo maanta magaalada Muqdisho ka furmay.

W. DastuurkaShir ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dastuurka ee dowladda Soomaaliya, ayaa maanta ka furmay magaalladda Muqdisho.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya qaar kamid wasaaraddaha Dastuurka ee maamul-gobolleedyadda, waxaana diiradda lagu saarayaa arrimo ku saabsan dib-u-eegista dastuurka dalka.

“Muhiimadda kulanka ayaa ah aragtiyadda ku aadan dib-u-eegista dastuurka dalka, maadaama uu u baahanyahay dhameystir”, sidaasi waxaa furitaankii shirka ka sheegay, Wasiirka Wasaaradda dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dastuurka Soomaaliya ayaa ah qabya qoraal, waxaana xukuumadihii dalka soo maray ay wadeen sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka.

Aqoonyahanada Soomaalidda iyo siyaasiyiinta ayaa ku talinaya sidii loo dar-dargelin lahaa dhameystirka dastuurka, maadaama ay jiraan meelo badan oo aan kala cadeyn iyo awoodaha qaar oo mugdi ku jira.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: