Madaxeynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan Howl qaran ugu maqnaa magaalada London ee dalka UK ayaa wuxuu maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib markii ay kasoo qeyb galeen shirka looga hadlayey arrimaha Sooomaaliya ee halkaasi ka dhacay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda.
Shirka London oo arrimaha Soomaaliya looga hadlay oo uu ka soo qeyb galay Madaxweynaha ayaa ahmiyad gaar ah u lahaa dadka Soomaaliyeed
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda ay ku dadaaleyso sidii loo dhisi lahaa Ciidamo qaran.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso Ciidamo Qaran oo ka shaqeeya difaaca Dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu Mahad celiyay Ciidanka iyo Saraakiisha Amisom oo uu sheegay in door weyn ay ka qaateen Xasilinta Dalka iyo dagaalka ay Dowladda kula jirto Al Shabaab.
Waxa uu sheegay in sidoo kale Dowladda ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab loogu saari lahaa degaanada ay hada ku sugan yihiin isla markaana laga shaqeyn doono sidii Al-Shabaab guud ahaan Dalka loogu saari lahaa.
Waxa uu tilmaamay in uu ku dadaalayo sidii Dowladiisa ay u kasban lahayd Kalsoonida Shacabka.
.SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.