Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta u ambabaxay dalka Qadar.

Kheyre.jpg8Ra’iisul-wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay ee dhanka dibadda ah ku tegaya dalka Qadar.

Mudane Xasan, ayaa waxaa safarkiiga ku wehlinaya qaar kamid ah Golaha wasiiradda ee xukuumadda, waxaana la filayaa in maalinta berri ah ay ka qeyb-galaan shirka “Doxa Forum” ee ka furmaya magaalladda Doha ee dalka Qadar.

Ilo wareedyo ayaa Hiiraan Online u sheegay in shirka looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin dhaqaallaha iyo Qaxootiga.

Safarka Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa waxaa uu yahay kisii ugu horreeyay tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul wasaaraha.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: