Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay furitaanka shirka London.

Shirka LondonMadaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay furitaanka shirka London, ayaa sheegay in dowladdiisa ay la dagaalameyso sida uu hadalka u dhigay saddex cadaw.

shir horudhac ah London.jpg2Shirka London oo ah mid heerkiisa uu sareeyo ayuu madaxweynaha marka hore u mahad celiyay dowladda Britain ee shirkan martigalisay iyo dhamaanba wakiilada beesha caalamka ee shirka jooga, isaga oo ku tilmaamay shirkan uu ku soo beegmay xili Soomaalida ay ka go’an tahay in aysan dib u laaban.

Waxa uu sheegay in dowladdiisa ay ka dhabeyn doonto la dagaalanka saddexda cadow ee Soomaaliya ay leedahay, oo kala ah ayuu yiri ā€œargagixisada, musuq-maasuqa iyo saboolnimadaā€.

Madaxweynaha ayaa dalbaday si dib u dhis loogu sameeyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed loo baahan yahay caalamku in uu cunaqabateynta hubka ka qaado Soomaaliya oo mudo dheer saaran.

Waxaa uu intaa ku darray in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo maareyn lahaa hubka hadii laga qaado cunaqabateynta, waxaa uuna ka codsaday dowladaha saaxibada la ah Soomaaliya iyo golaha ammaanka ay ka wada shaqeeyaan qorshe dhameystiran oo cunaqabateynta hubka looga qaadayo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadisa ku dheeraaday ka hadalka arimo kale oo muhiim ah , gaar halka ay Soomaaliya mareyso marka loo eego sanadihii aynu soo dhaafnay.

SomaliSwissĀ Ā Ā  London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: