Ra’iisul wasaaraha xukuumada Somalia, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shirka wadatashiga horumarinta warbaahinta dalka oo muddo 3 cisho ah socday ka socday magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha oo khudbad ka jeediyey xiritaanka shirka wadatashiga horumarinta warbaahinta Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo shirgudoominayey Shirka Wadatashiga ah oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, madaxda ururada warbaahinta iyo bulshada rayidka ah.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka wacyigelinta bulshada uu muhiim yahay loona baahanyahay warbaahinta oo dhan inay u istaagaan sidii horumarka dalka loo gaarsiin lahaa shacabka iyo caalamka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah ay muhiim u tahay hirgelinta nidaamka isla xisaabtanka iyo dowlad wanaaga si bulshada loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.
Shirkan Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta ayaa muddo 3 cisho ah looga dooday dib u eegista Xeerka Saxaafada, dib u eegista Istraatejiyada Warbaahinta Qaranka, diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyada Wacyigelinta Bulshada. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasiirada Warfaafinta Dowlad Goboleedyada ayaa kala saxiixday Heshiis Wadashaqeyn oo lagu xoojinayo xiriirka iyo wadashaqeynta wasaaradaha warfaafinta. Â
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.