Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday baabuur uu ka dhacay bannaanka hore ee maqaayadda Italian Cofee oo u dhow xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadah ee wadada Maka mukarama.Â
Qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay afar qof in ku dhow toban kalena way ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.
Maqaayadda ayaa kasoo horjeedda xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la siman hoteelka Sunrise hor marana laamiga dheer ee Maka Mukarama.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu sababay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo la dhigay maqaayadda Italian Coffe oo dad badan ay ku shaahaan kuna sheekeystaan.
Khasaaraha ayaa laga yaabaa inuu intaasi ka bato. waxaana goobta qaraxa gaaray saraakiisha gurmadka caafimaadka, oo halkaasi ka daad gureeyay dhaawacyo gaaraya toban qof.  Â
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.