Advertisements

Ururka Boko Xaraam oo la sheegay inay xuriyadooda siiyey 82dii Ardeydii horey loogu afduubtay magaalada Chibok.

Boko xaramWar naga soo gaaray dalka Nigeria ayaa sheegaya in 82dii gabdhood ardeyda ahaa ee sanadkii 2014 laga afduubtay magaalada Chibok, ayaa waxaa soo daayay ururka Boko Xaraam, waxaana hadda gacanta ku haya milateriga Nigeria, sida ay  sheegeen ila wareedyo.

Sii deyntan gabdhahan ayaa ka dhalatay wadaxaajood dhex maray dowladda Nigeria iyo ururka Boko Xaraam.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gabdhaha gawaari looga soo qaaday deegaan go’doon ah, ka dibna la geeyay saldhig ciidan oo ku yaalla Banki, taasoo u dhaw soohdinta ay Nigeria la leedahay Cameroon.

Waa markii labaad oo ay dowladda Nigeria ku guulaysato soo celinta qaar ka mid ah gabdhihii laga qafaashay Chibok.

Bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa waxaa wadahadal dheer ka dib ay Boko Xaraam soo daysay 21 gabdhood.

Qaar badan oo ka mid qoysaska Chibok ayaa ku farxi doona warka soo daynta gabdhaha, balse waxaa weli maqan in ka badan boqol gabdhood.

Inkastoo ay arrinta gabdhaha Chibok soo jiidatay indhaha caalamka, aya haddana waxaa jira kumannaan qof oo ay Boko Xaraam afduubatay sideedii sano ee ay dagaalka waday.

SomaliSwiss       Chibok

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: