Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Somalia oo u ambabaxay shirka London.

Gaas Caleema SaarMadaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Jubbaland Mudane Axmed Madoobe oo maalintii shalay ay ka anbabaxeen garoonada diyaaradaha magaalooyinka Gaalkacyo iyo Kismaayo waxayna labaduba rajo wanaagsan ka muujiyen shirka London.

Labada Masuul waxay ku sii jeedaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay uga sii gudbi doono magaalada London halkaas oo ay uga qayb geli doonaan shirka Soomaalida ee lagu qabanaayo London  bisha May 10keeda, waxayna labada madax maamul goboleedka ay  rajeyeen inuu shirku ku soo dhamaada guul.

Sida la sheegay in shirkani muhiimadiisa ay tahay in la helo ciidan Qaran iyo in la helo dib u dhis iyo horumar dhaqaale dalka, waxaana ka filayaa in shirkan uu noqdo mid wax weyn ka bedela dhaqaalaha iyo amniga ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul gobolleedyada ayaa la filayaa in ay wada jir uga qeyb-gallaan shirka oo ay wada jir u gudoomin doonaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha dowladda martida loo yahay ee Britain.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: