Shirweyne Qaran ee looga arrinsanayey  horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda dalka  oo qayb ka ah qorsha xukukmadda ee  tayeynta  isgaarsiita Soomaaliya   ayaa waxa maanta Muqdisho ka furay Ra’iisul wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre.
Shir waynaha oo soocn doono mudo 3-maalin ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay  wasaaradda Boostadda iyo Isgaariinta, waxaana ka qayb galay  wasiiro ka tirsan dowladda federaalka , xildhibaano , wasiiradda  isgaarsiinta maamul goboleedyadda , xubno ka socday shirkadaha isgaarsiinta  iyo  macaliinta  jaamacadaha dalka ku dhiga  kulayadaha isgaarsiinta iyo tiknoolyiadda.
Agaasimaha  guud ee  wasaarada  Boostadda iyo Isgaasriinta ee xukumadda federaalka Soomaaliya  Axmed Xaaji Cabdi ayaa shegay in shirkaan uu yahay shirkii ugu horeeyey ee ay wasaaraddu qabato.
Cabdi Canshuur Xasan  wasiirka  Boostadda iyo Isgaarsiinta dalka ayaa xusay in  horumarka  tiknoolajiyadda ay dalka ahmiyadda wayn u leedahay ayna  ka qayb qaadanayso  kobcinta dhaqalaha.
Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo la hadlayey  ganacsatada Soomaaliyeed  ayaa  tilmaamay in ganacsatadda Soomaaliyed looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan  horumarinta dalka iyo dhismaha dowladdanimada taas oo sare u qaadaysa  tayeynta ganacsigooda.
Mudan eXasan Cali kheyre Ra’iisul wasaaraha  Xukumadda federaalka soomaaliy ayaa  mar uu la ahdlay  wakiiladda Shirka u matalayadda  dowlada goboleedyadda dalka  ugu baaqay  in  ka shaqayaan  midnimadda iyo  sidii ay isaga kaashan lahaayeen   soo celinta sumcadda wadankeena.
Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa  ugu danbayntii  kula dardaarmay ka qayb galayaasha  shirwaynha  looga hadlayo horumarinta  Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda in shirkan loo baahanyahay in uu  ka duwanaado  shirarkii hore isla markaana   ay soo baxaan  talooyin wanaagsan.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.