Advertisements

Magaaladda Muqdisho oo maanta ka furmay shir loogu hadlayo horumarinta Warbaahinta Soomaaliya.

Shirka horumarinta WarbaahintaMagaalladda Muqdisho ayaa maanta ka furmay shir socon doona mudo saddex maalin ah, kaas oo diiradda lagu saari doono horumarinta Warbaahinta Soomaaliya.

Shirka horumarinta Warbaahinta.jpg1Shirka waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. waxaana saddexda maalin ee uu socon doono diiradda lagu saari doonaa qodobo ay kamid yihiin in si wadajir ah warbaahintu ay uga qeyb qaadato wacyi galinta barnaamijka la dagaalanka Al Shabaab, sida wasaaradda ay sheegtay.

Kulanka waxaa maanta goob-joog ka ahaa wasiirka warfaafinta  Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda, wasiiradaha  warfaafinta maamul-gobolleedyada dalka ka jira iyo agaasimeyaashooda.

Intii shirka uu socday ayaa waxaa la isla soo qaaday tallooyin muhiim ah oo lagu hormarin karo warbaahinta dalka Soomaaliya, ka shaqeeysa.

Bishii hore ee April Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan dhageystay cabashooyinka suxufiyiinta ee ku aadan qodobo xeerka saxaafada ka mid ah, waxaa lagu sameyn doonaa dib u eegis. Waxaan ka codsaday suxufiyiinta inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan tallooyinkooda si loo saxo qodobadaas. Madaxweynihii hore ayaa saxiixay dikreetadii xeerka bishii Janaayo 2016kii oo Xeerku ansax yahay, haddana waxaan tixgelineynaa codsiga suxufiyiinta, waana sababta aan dib u eegista ugu sameyneyno.”

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: