Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM oo sheegay in askari Mareykan ah lagu dilay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab.

USA AfricomTaliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in askari Mareykan ah lagu dilay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose.

Hal askari oo Mareykan ah ayaa dhintay, halka laba kallana ay dhaawacmeen, iyagoo ku jira howgal ka dhan ah Al Shabaab.

Howlgalka waxaa uu ka dhacay deegaan u dhow Bariire oo qiyastii 40 miles galbeed kaga beegan magaalladda Muqdishu ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Saraakiil American ah ayaa geerida askariga iyo dhaawaca labada kale u xaqiijiyay Telefeshinka CNN ee dalka Mareykanka.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay fulinayeen howlgal la-talin iyo caawimaad isugu jira oo ay kala qeyb galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Al-Shabaab waxa ay halis ku tahay Mareykanka iyo danaha Mareykanka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRICOM.

Dagaalkii ka dhacay Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid xooggan, sida dadka deegaanka ay u sheegeen Hiiraan Online.

Ciidanka Mareykanka ayaa taageero siiya AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, waxana dhawaanadan howlagllo ay ka wadeen koonfurta Soomaliya.

Dhinaca kale Diyaarado dagaal ayaa duqeeyay deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Duqeynta ayaa dhacday xalay, waxaana sidoo kale diyaaradaha ay duqeyeen deegaanka Mubaarak oo saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Laba diyaaradood ayaa la sheegay in ay duqeynta fuliyeen, kuwaas oo aan la garan dalka laga leeyahay.

Ilaa iyo hadda lama ogaan khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Weerarkan ka dhacay Gobolka Sh.Hoose.

Ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya jooga:_

14 bishii April, waxaa soo baxay war sheegaya in Ciidamo Mareykan ah loo soo daabulay magaalladda Muqdishu ee Caasimada Soomaaliya.

Ciidanka ayaa gaaraya tira ahaan daraasiin waxaana tababaro ay siin doonnaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ee dagaalka kula jira Xarakadda Al Shabaab.

Tiro kooban oo ciidamo ah ayaa 2-dii bishan yimid magaalladda Muqdisho, waxaana saraakiishu sheegeen in imaatinka ciidankaasi ay codsatay dowladda Somalia.

Ciidamada Mareykanka ee Muqdishu hadda jooga, ayaa noqonaya  ciidamadii ugu horeeyay ee Militeriga dowladda Mareykanka ka tirsan ee Soomaaliya soo gaaray, marka laga soo tago tiro yar oo ah lataliyayaal dhinaca la dagaalanka argagixisada oo haray Soomaaliya usoo gaaray

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: