Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Switzerland u fadhiya Soomaaliya.

Somalia iyo SwisskaWasiirka Dastuurka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Federaalka Switzerland ee Soomaaliya.

Safiirka iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa dhameystirka iyo turxaan bixinta Dastuurka Soomaaliya, taas oo ay Dowladda Switzerland gacan ka geysaneyso.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa uu ka dhacay magaalladda Muqdishu. 

Dastuurka Soomaaliya ayaa u baahan dhameystir iyo turxaan bixin, iyadoona hadda ay socdaan sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka.

Dowladda Federaalka ee Switzerland, ayaa ka mid ah dowladdaha safaaradaha ku leh dalka Soomaaliya, waxaana Switzerland ay ka taageertaa Soomaaliya dhinacyo kala duwan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: