Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay kana qeybgalay Salaada Janaasada meydka Wasiir Cabbaas.

Aaska Cabaas.jpg4Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo deg deg ah ugu soo laabtay dalka kaddib safar maalintii shalay uu ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo ka qeybgallay salaada Janaasada wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska dowladda federaalka Cabbaas Siraaji oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Aaska Cabaas.jpg3Madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyaha baarlamaanka, ra’iisal wasaaraha xukuumada iyo madaxda kale ee dowladda ayaa si wada jir ah uga qeyb-gallay salaada Janaasada marxuumka oo lagu tukaday masjid ku yaala xarunta madaxtooyada.

Ilaa iyo hadda ma jirto faah faahin dheeraad ah oo la xiriirta sida uu u dhacay dilka wasiirka marka laga soo tago in ciidamo ka tirsan dowladda rasaas ku fureen gaarigii uu la socday kuwaa oo la sheegay in hadda ku jiraan gacanta laamaha amniga.

Aaska Cabaas.jpg1Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in wasiir Cabbaas uu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsanaa gollaha wasiirada islamarkaana inta badan tallooyin wax ku ool ah soo jeedin jiray.

Marxuumka ayaa waxaa salaada Janaasada lagula tukadata masjid ku yaalla madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay salaada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda kale ee Qaranka, kadib waxaa loo qaaday qabuure  ku yaalla isbitaal Madiina, halkaasi oo lagu aasay.

Aaska Cabaas.jpg2Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo goobta ka hadlay ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu jannadii ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu ka tagayna uu samir iyo Iimaan ka siiyo, wuxuuna ra’iisul wasaaraha sheegay in cadaalada la horkeeni doono raggii falkan ka dambeeyay.

Wasiirka ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo dhawaan uun ku soo biiray siyaasada, waxaana uu ka mid ahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee wax ku soo bartay xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Aaska CabaasSomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: