Dadweynaha ku nool Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi oo soo dhaweeyey dhismaha Wadadda Via Moscow.

Dadweynaha ku nool Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa si weyn usoo dhaweeyey dhismaha iyo dayactirka lagu sameeyey Wadadda Via Moscow oo dhax marto labadaas degmo.

Dhalinyaradda , Haweenka , Waxgarada iyo darawaladda wadadaas isticmaala ayaa si wayn usoo dhaweeyey dhisida wadadaas oo ay ku sheegeen in ay aad muhiim u ahayd isla markaana ay ugu mahadceliyeen Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo isaga ku  guuleystay dib u dayactirka wadadaas.

Dhanka kale kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeerayey wadadda la dhisay iyo dareenka dadka shacabka ah ayaa raacay mid kamid ah gawaarida dadweynaha , waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu mudo kadib raaco gawaarida dadweynaha.

%d bloggers like this: