BAAFIN: Waxaa halkan laga baafinayaa Gabar lagu magacaabo XABIIBO oo kunool Geneva Switzerland.

Waxaa halkan laga baafinayaa geber magaceeda lagu soo gaabiya XABIIBO oo lagu sheegay in ay hada ku nooshahay magaaladan GENEVA ee wadankan SWITZERLAND. QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN HOOS KA AKHRI

Xabiibo waxaa baafinaya nin la yiraahdo Abdullahi oo haatan kunool magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ay Xabiibo ugu wardambeysey magaaladasi Roma ee dalka Talyaaniga, sagaashamedyadii bilowgeedii 1990 – 1992.

Xabiibo waa geber ABGAAL – WACEEYSLE ah waxeyna isku group ahaayeen sida warku nagu soo gaaray gabdho kale oo magacyadooda lagu soo gaabiyay: XALIMO, SAFYIO, XAKIIMO IYO FADUMO, waxeeyna bandhig ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaliyeed wada sameyn jireen Abdullahi  iyo wiilal kale magaaladasi ROMA xiligaasi lajoogay, taas oo COMUNE DI ROMA ay dhaqaale ku bixin jirtay.

Sawirkan waagi Roma STAZIONE TERMINI dhanka bidixda ka bilow waa Abdullahi, Baduro,

Safyio iyo wiil kale.

Heestan waa tii bandhiga ay ku sameyn jireen, XABIIBO ayaana marwalba qaadi jirtay hal heeskeedana waxaa kamid ahaa ama erayadii ay ku dhawaaqi jirtay ISOO XUSUUSEE….. ISOO XUSUUSEEE…….

Haddaba ciidi reer Itaaliya ah iyo reer Switzerland ee war iyo wacaal  ka heysa Xabiibo ama iyada lafteeda hdey aragto Baafintan fadlan hanagala soo  xiriirto SomaliSwiss@hotmail.com Mahadsanidiin……………… anaga ayaa Abdullahi u gudbineyna.

%d bloggers like this: