Wafdi ay Hoggaaminayso Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo gaaray Beydhabo.

Wasiiradda Maryan-QaasimWafdi ay hoggaaminayso Wasiirka  Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed  oo ay kamid yihiin wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hogaaminayey Sheekh Xamed Bin Fahad  Al Thani oo ka mid ah qoyska boqortooyadda dalkaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Beydhaba ee Gobolka Bay.

Wafdiga ay hoggaamineyso wasiirka  gargaarka iyo maaraynt  Musiibooyinka ayaa  kulan muhiim ah la yeeshay  Madaxwenaha Dowlad Gobolleedka Koon fur Galbeed Soomaaliya iyagoo kawada hadlay ka shaqaynta sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu sameeyeen ee ku nool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay wefdiga gaareen xiryaha dadka Barakacayaasha ah ee ku yaalla duleedka magaalada ee ka mid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen  iyagoo kormeeray xaaladda dadkaas.

Dhanka kale waxaa jira deeq dowladda Qadar ay u qeybin doonto qoysaska qaar.

SomaliSwiss         Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: