Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo maanta si rasmi ah xafiiska ugala wareegay ra’iisal wasaarihii ka horeeyay.

Raiisul wasaare ku xigeenka cusub 1Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed ayaa maanta si rasmi ah xafiiska ugala wareegay ra’iisal wasaarihii ka horeeyay Maxamed Cumar Carte oo mudo labo sano ah ku soo shaqeeyay xafiiska.

Ra_iisul wasaare ku xigeenka cusub 2Maxamed Cumar Carte u mahad celiyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana uu sidoo kale tilmaamay in mudadii labada sano ahayd ee shaqada uu qaranka u hayay qabsoomeen howlo aad u badan isla markaana loo baahan yahay in horey loo sii ambaqaado.

Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ayaa intaa kadib ku wareejiyay ra’iisal wasaare ku xigeenka cusub xilka isagoo u rajeeyay in uu ku guulaysan doono howlaha horyaala maadaama uu yahay nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u leh arimaha Soomaaliya ka jira.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka cusub  Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xil wareejinta kadib u mahad celiyey ra’iisal wasaare ku-xigeenkii hore, isaga oo kula dardaarmay shacabka Soomaaliya iyo guud ahaan hay’addaha dawladda in gacan buuxda lagu siiyo sidii uu waajibaadkiisa shaqo u gudan lahaa.

” Anigoo kalsooni buuxda ku qaba Mudane Maxamed Cumar waan ku faraxsanahay in wixii la soo qabtay wax ka fiican uu ilaahay ka rajaynayo inuu dalka ka qabto iyadoo taasna noo suurta galin doono waqtiga anagoo kaashanayna dawladeena iyo shacabka Soomaaliyeed” ra’iisal wasaare ku-xigeenka cusub”

Xubnaha gollaha wasiirada xukuumada cusub ayaa todobaadyadii ugu danbeeyayba ku howlanaa la wareegista xafiiska iyo wasaarada loo idmaday.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: