Ciidamada Booliska dalka Sweden ayaa soo qabtay qof lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerar loo adeegsaday gaari weyn oo xamuul ah kaas oo ka dhacay bartamaha magaalada Stockholm ayna ku dhinteen afar ruux, 15 kalana ku dhaawacmeen.
Qofka loo soo qabtay weerarkan ayaa la sheegay inuu markii hore ka baxsaday ciidamada iyadoo rasaas ay isweydaarsadeen labo ruux oo kale oo weerarkan ku lug lahaa waxayna ciidamada Booliska ku soo qabteen ninkan duleedka waqooyi ee magaalada Stockholm halka loo yaqaan Marsta.
Wargeys ka soo baxa dalka Sweden Aftonbladet ayaa daabacay in qofka loo soo qabtay weerarkan uu dhaawac fudud soo gaaray waxana lagu qiyaasay da’adiisa 39 sano jir.
Mid kamid ah wargeysyada yar yar ee dalka Sweden ayaa laga soo xigtey in ninkan loo qabtay weerarka uu ku qirtey internetka inuu taageersan yahay ururka IS.
Weerarkan oo dhacay gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa gaari weyn oo la soo afduubtay waxaa uu ku ceyrsaday ama eryaday dad lugeynayay Klarabergsgatan kahor inta uusan ku dhicin mid ka mid ah dukaamada ku yaal deegaanka kadibna guban.
Saddex ruux ayaa ka soo booday gudaha baabuurka weyn waxayna fureen rasaas iyagoo markii dambana mindiyeeyay dad wadada lugeynayay.
Labo kamid ah saddexda ruux ayaa ciidamada Booliska ay qabteen balse qofkii saddexaad ayaa halkaas ka baxsaday.Booliska ayaa shaaciyay muuqaalka qof la tuhmayay oo xirnaa jaakad cagaar ah iyo kabo cad cad, waxayna boolisku sheegeen in qofka lagu soo qabtay deegaanka Marsta uu shabaho qofka ka muuqday sawirada ay shaaciyeen.
Dhowr weerar oo loo adeegsaday baabuur dadka la jiirsiiyay ayaa ka dhacay qaarada Yurub sanadkii aynu ka soo gudubnay.
Magaalada London ayaa dhamaadkii bishii la soo dhaafay waxaa lagu weeraray gaari dad ku sugnaa buundada Westminster halkaa oo ay ku dhinteen afar ruux kadibna qofkii weerarka ka dambeeyay ayaa mindi ku diley askari boolis ah kahor inta aan la toogan oo uusan dhiman.
SomaliSwiss        Stockholm
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.