Magaalada Stockholm ee dalka Sweden oo ka dhacay weerar ay ku dhinteen ilaa saddex qof.

weden.jpg1War uu inoo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee dalka Sweden  ayaa sheegaya in weerarkii ka dhacay  magaalada Stockholm ay ku dhinteen ilaa saddex qof, kaddib markii gaari xamuul ah lagu jiirsiiyay wadada lagu magaaabo Drottninggatan

wedenRa’iisal wasaaraha Sweden Stefan lofven ayaa sheegay in dalkiisa la weeraray wax walbana ay tilmaamayaan in falka uu yahay mid argagaxiso.

Kaddib falka gaariga dadka lagu jiirsiiyay waxaa la maqlay dhawaqa rasaas, waxaana soconaya baaritaano dheeraad ah oo dhacdadan ku saabsan.

Weerarada gaadiidka loo adeegsado ayaa waxaa sheegta ururka IS iyadoo gaadiid hore loogu weeraray dad rayid ah wadamada Britain Jarmalka, Maraykanka, Faransiiska.

Ugu danbeyntii, gaariga weerarkan ka dambeeyay ayaa loo maleynayaa in uu ahaa mid la soo afduubtay.

SomaliSwiss    Stockholm

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: