Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) oo sheegtay in dalka Soomaaliya ay celiyeen Qaxooti dhan 60kun.

Qaxooti.jpg11Hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee lagu magacaabo UNHCR ayaa ku sheegtay in dalka Soomaaliya ay dib ugu soo celiyeen Qaxooti ku dhow 60 Kun oo qof, taasi oo ah tiradii ugu badneyd oo dalka dib ugu laabtay.

Hay’adda ayaa sheegtay in wali ay socdaan dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed, waxayna Hay’adda tilmaamtay dhammaan dadka ay soo celineyso in ay u badan yihiin caruur iyo dad Da’ah.

War Qoraal ah oo ka soo baxay UNHCR ayaa lagu sheegay dadka la soo celinayo in ay yihiin kuwo iyagu doonaya in ay soo laabtaan, balse aysan aheyn dad si Qasab ah lagu soo kaxeeyay.

Hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee lagu magacaabo UNHCR ayaa ugu dambeyn shaacisay tan iyo Bishii December 2014-kii in Soomaaliya ay dib ugu soo celiyeen 59,829 qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo ku sugnaa xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

Ugu danbeyntii, dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay weerarada Shabaab ay ka geystaan dalka Kenya in laga soo abaabulo xerada Dhadhaab, waxaana arintaasi ay keentay in qaxootiga laga soo raro xerada Dhadhaab.                                                           SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: