Dowladda Maraykanka oo u digtay muwaadiniinteeda ku sugan Dalka Kenya iyo kuwa u safri doono.

Flag UsaDowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Dalka Kenya iyo kuwa u safrayaba uga digtay rabshado laga yaabo iney halkaasi ka dhacaan Bisha August oo ah xilliga loo madlan yahay doorashooyinka dalkaasi.

Hadalkan oo ka soo baxay xafiiska arrimaha dibedda dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay dhici karaan dibed baxyo nabadeed iyo mudaharaadyo, kuwaas oo isu beddeli kara rabshado ay wax ka soo gaaraan dad u dhashay Maraykanka.

Waxaa sidoo kale digniintan lagu sheegay in sida aalaaba dhacda ay fursad u noqon karto argagixisada, kuwaas oo laga yaabo iney beegsadaan ka qaybgalayaasha iyo martida kale ee doorashooyinka.

Ugu danbeyntii, dowladda Maraykanka ayaa dhowr goor oo hore soo saartay digniino caynkan oo kale ah, iyadoo muwaadiniinteeda jooga Kenya ku war gelineysa inay ka feejignaadaan degaanada ay rabshadaha ka dhacaan.

SomaliSwissĀ Ā Ā  Washington

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: